HomeWararGen. Muungaab “Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow wuxuu shaki ku abuuray Bulshada...

Gen. Muungaab “Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow wuxuu shaki ku abuuray Bulshada Somaliyeed”

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxaa uu ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Gen.Muungaab ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxaa uu ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Gen.Muungaab ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye Yariisow,isagoo Alle SWT uga baryay inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

- Advertisement -

Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow, mas’uuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa Isbitaallada ayuu sheegay Gen. Xasan Maxamed Xuseen in shaki weyn uu ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Gen.Muungaab ayaa waxaa Madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay umadda u caddeeyan sida uu dhacay qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir.

Hoos ka Akhriso Warka Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka.

- Advertisement -

Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow, mas’uuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa Isbitaallada, kana dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso arrimaha soo socda:

Sida uu Qaraxa u dhacay, Cidda fulisay, cidda fududeysay iyo Cidda qaadeysa Mas’uuliyadda Fashilka Amni ee aan indhaha laga qarsan karin.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino madaxda Dalka iyo Hay’adaha Amniga.

Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax Kaalin muuqata ah uu ku yeesho Nabadgelyada Gobolka uu Xaakimka ka ahaa ee Banaadir, Xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama Amar qaadanjirin, Dabadeedna si fudud loo Mishimay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories