HomeWararAkhriso:-Taariikhda Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Akhriso:-Taariikhda Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Isbitaal ku yaalla Magaalada Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaam Yariisow oo dhaawac Culus kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Eng.Yariisow ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaaba 21-ka Bishii Janaayo sanadkii 2018,isla markaana waxaa uu xiligaas bedelay […]

- Advertisement -

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Isbitaal ku yaalla Magaalada Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaam Yariisow oo dhaawac Culus kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Eng.Yariisow ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaaba 21-ka Bishii Janaayo sanadkii 2018,isla markaana waxaa uu xiligaas bedelay Guddoomiyihii hore ee Gobalka Taabid Cabdi Maxamed.

- Advertisement -

Marxuun Yariisow ayaa waxaa uu ahaa aqoonyahaan muddo dheer ku noolaa Dalka UK, waxa uuna door fir fircoon ka soo qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Dalkaasi, sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay Dowladda Hoose ee London.

Sidoo kale 10-kii Sano ee la soo dhaafay waxa uu ku dhax jiray Siyaasadda Soomaaliya,waxaana labada jeer uu soo noqday Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,wuxuu kale soo noqday Afhayeenka Madaxtooyada iyo La tiliye Sare iyo Agaasimihii Radio Bar-kulan.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa 24-kii Bishaan ku dhaawacmay qarax ka dhaca Xarunta Gobolka,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories