HomeWararSawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xariga ka jaray Dhismo Cusub

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xariga ka jaray Dhismo Cusub

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Xarig jarka Xarunta Cusub waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Marwo Fowsiyo Maxamed Shekh wasiirka Tamarta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xarig jarka Xarunta Cusub waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Marwo Fowsiyo Maxamed Shekh wasiirka Tamarta iyo kheyradka biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Iiman Cali Cabdi Madaxa hay”adda IOM Somaliya miss Diana iyo Masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa Kormeerey qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan Cusub waxaana uu Sheegey In tani ay tahay mid muujinaysa Hormarka Hiigsiga Hormarineed ee ka ifaya koonfur galbeed.

Miss Diana Madaxa Hay”adda IOM Somaliya ayaa ka hadashay munaasabad kooban oo ay ka dhacday Gudaha Xarunta waxay Sheegtay in kan Hay”ad ahaan ay ka go’antahay inay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed waxaana ay sheegtay in Qorshihii hore Shaqada ay wax ka bedelayaan si kaalin weyn ay uga geystaan Deeganada KG.

Marwo Fowziya Maxamed Sheeq Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in kan Wasaarad ahaan ay ku tala jiraan sidii Baahiyaha korontada iyo biyaha ee ka jira KG ay wax uga qaban lahaayeen.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed mudane cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa u mahadceliyey Cid waliba oo kaalin ka geysatay Dhisida Xaruntaan Cusub waxaana uu sheegey Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha inay Tahay wasaaradaha ugu muhiimsan Bulshada Waxana uu sheegey in inta aan loo dooran Xilka Madaxweynenimo uu Ahaa wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Dowlada federaalka somaliya uuuna halkan keenay mashaariic farabadan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories