HomeWararRW Kheyre iyo Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug oo kulan yeeshay

RW Kheyre iyo Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug oo kulan yeeshay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug. Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

- Advertisement -

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga faray in laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta bulshada reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarinta qarannimada Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories