HomeWararMuwaadiniinta Reer Galbeedka oo looga digay inay u socdaalaan dhulka Soomaalida ee...

Muwaadiniinta Reer Galbeedka oo looga digay inay u socdaalaan dhulka Soomaalida ee Ethiopia.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladaha Maraykanka, Britain iyo Canada waxay shalay oo ay bishan July ahayd 29-ka soo saareen Digniino dhaanka Sfaarka oo ay Muwaadiniintooda uga digeen inay Socdaal ku tagaan dalka Ethiopia, oo ay ku jiraan Deegaanadda ay Soomaalida ka deggan tahay dalkaasi. Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay Heerka La-talinta dhinaca socdaalka ee Ethiopia ka dhigeen Heerka […]

- Advertisement -

Dowladaha Maraykanka, Britain iyo Canada waxay shalay oo ay bishan July ahayd 29-ka soo saareen Digniino dhaanka Sfaarka oo ay Muwaadiniintooda uga digeen inay Socdaal ku tagaan dalka Ethiopia, oo ay ku jiraan Deegaanadda ay Soomaalida ka deggan tahay dalkaasi.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay Heerka La-talinta dhinaca socdaalka ee Ethiopia ka dhigeen Heerka Labaad (Level 2), iyadoo Muwaadiniinta Maraykanka looga digay khatarta ay kala kulmi karaan shilalka qalalaasaha Qabaa’ilka iyo Isgaarsiin xumida ka jirta dalkaasi.

- Advertisement -

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay kaloo sheegtay in la ballaariyey digniinta dhanka socdaalka ee dalka Ethiopia, iyadoo ay digniin la’aan dalkaasi ka dhacaan Colaad-beeleedyo abuuri karta Deganaansho La’aanta.

Dowladda Ethiopia waxay xadiday ama xirtay Khadadkii Internerka, Xogta Telefoonadda Gacanta iyo Adeegyadda Telefoonadda muddadii ay colaadaha sokeeye ka socdeen qeybo ka mid ah dalkaasi.

Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka waxay sheegtay in Xayiraadahaasi xagal-daacisay Awoodda ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba u leedahay inay la xiriiraan iyo inay Adeegyadda Qunsulliyadda u fidiyaan Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Ethiopia.

- Advertisement -

Safaaradda Maraykanka waxaa xadidmay awoodii ay u lahayd inay Adeegyo Degdeg ah siiyaan Muwaadiniintooda ku sugan meelaha ka baxsan Addis Abeba.

Sababo dhanka Ammaanka darteeda, shaqaalaha dowladda Maraykanka waxaa waajib ku ah inay codsadaan Fasax socdaal kasta oo ka baxsan Addis Abeba, waxaana looga baahan yahay inay qaataan qalabka Isgaarsiinta ee lagula socon karo dhaqdhaqaaqa qofka, iyadoo mararka qaarkoodana la qaadanayo Telefoonadda ku shaqeeya Dayax-gacmeedka.

Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka waxay kaloo sheegtay in shaqaalaha dowladda Maraykanka iyo qoysaskooda aanay u socdaali Karin Deegaanadda Heerarka 3-aad iyo 4-aad kaga jira La-talinta dhinaca Socdaalka, marka laga reebo hawlaha ganacsiga rasmiga ee waqtiga xadidan leh ee Safaaradda laga oggolaaday.

Dhinaca kale, Dowladaha Britain iyo Canada waxay iyagana soo saareen La-talinta dhanka Socdaalka ee Muwaadiniinta, marka ay booqanayaan dalka Ethiopia.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee dalka Britain waxay Muwaadiniintooda kula taliyeen inaysan socdaal ku tegin Demooyinka Fiiq, Jarar, Siti, Faafan, Godey, Qorraxay, Wardheer, Afdheer iyo Liibaan oo ka tirsan Deegaanadda Maamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Waxaa kaloo looga digay inay u socdaalaan qeybo ka mid ah Goballadda Oromiya iyo Gambeela-ha ee Ethiopia iyo Xuduudka Eritrea.

Sidoo kale, Muwaadiniinta Britain waxaa looga digay inay 100 KM ka fogaadaan Xuduudka Ethiopia la leedahay dalalka Somalia iyo Kenya.

Digniinta dhanka Socdaalka ee looga digayo in lagu tago Ethiopia ayaa lagu tilmaamay war nasiib-xumo ah tan iyo markii ay Ethiopia soo dhaweysay 1 million oo qof oo booqasho dalkaasi sannadkii 2016-kii oo keliya.

Dalka Ethiopia oo dad ku nool lagu qiyaaso in ka badan 200 milluon oo qof waxaa sannadkii 2015-kii loo aqoonsaday meesha ugu wanaagsan ee lagu maqsuudo Dalxiiska Caalamka.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories