HomeWararMuhaajiriin Ethiopian oo macluul ugu geeriyootay Dooni ku sii jeeday Yemen

Muhaajiriin Ethiopian oo macluul ugu geeriyootay Dooni ku sii jeeday Yemen

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ugu yaraan 15 Ethiopian ayaa ku geeriyootay dooni ay ku tahriibayeen o oku cilladowday Badda, taasi oo keentay inay muddo isbuuc ah  helin biyo iyo baad ay cunaan. Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM  waxay ka soo xigatay dadkii ka badbaaday doonifaasi inay sheegeen in qaar ka mid ah u geeriyooday baahi iyo biyo la’aan, halka […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 15 Ethiopian ayaa ku geeriyootay dooni ay ku tahriibayeen o oku cilladowday Badda, taasi oo keentay inay muddo isbuuc ah  helin biyo iyo baad ay cunaan.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM  waxay ka soo xigatay dadkii ka badbaaday doonifaasi inay sheegeen in qaar ka mid ah u geeriyooday baahi iyo biyo la’aan, halka kuwo kalen ay ku hafteen badda.

- Advertisement -

Qoraal ay Hay’adda IOM soo dhigtay Twitter-kooda waxaa lagu xusay inay Muhaajiriinta Ethiopianka oo doonida ka raacay Xeebaha Jabuuti, kuna sii jeeday Yemen inay doonidii ay ku tahriibayeen badda ku jabtay, taasina ay keentay inay qaarkooda u geeriyoodaan macluul.

Tiro ka mid ah Muhaajiriinta oo gaaray Xeebaha Yemen ayaa iyagana geeriyooday, kadib, markii ay heli waayeen Kaalmo Daaweyn Caafimaad.

 

- Advertisement -

Doonidaasi oo ay asal ahaan la socdeen 90 Muhaajiriin Ethiopian ah ayaa waxay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay gaareen Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, sida ay Hay’adda IOM sheegtay.

Ma kala cadda xaalladda ay ku sugan yihiin kuwii ka badbaaday dhacdadaasi.

Bishii May ee la soo dhaafay, Hay’adda IOM waxay ku baaqday in la sii daayo  in ka badan 3,000 oo Muhaajiriin badankooda Ethiopian ahaa, kuwaasi oo lagu hayey Labo Xarun oo ku kala yaallay magaallooyinka Cadan iyo  Gobalka Lahaj ee dalka Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories