HomeWararGuddoonka labada Golle ee Baarlamaanka DFS oo Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Puntland

Guddoonka labada Golle ee Baarlamaanka DFS oo Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Puntland

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas. Kulanka oo ahaa midkii 23-aad ee Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeeka koowaad ee Aqalka Sare ee Dalka Abshir […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas.

Kulanka oo ahaa midkii 23-aad ee Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeeka koowaad ee Aqalka Sare ee Dalka Abshir Maxamed Axmed Bukhaari.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka sare ee dalka Abshir Bukhaari,waxaana uu sheegay in Aqalka Sare uu wadashaqeyn buuxda uu la yeelan doono Baarlamaanka Puntland.

“Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah wuxuuna idinkala shaqeyn doonaa arrimaha Xeer-dejinta iyo is waafajinta Shuruucda labada heer” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Dhinca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan aya dhankiisa Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,isagoo bogaadiyay howlaha shaqo ee u ahayan Puntland.

- Advertisement -

Guddoomiye Mursal, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray Magaalada Garoowe,iyagoo halkaas kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka puntland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories