HomeCaalamkaXuutiyiinta oo Gantaal ku weeraray Xero ku taalla Sacuudiga

Xuutiyiinta oo Gantaal ku weeraray Xero ku taalla Sacuudiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah maanta ku weerareen Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Casir ee K/Galbeed ee dalka Sacuudiga. Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta, Yaxya Sarea oo la hadlay Tv-ga ayaa sheegay inuu Gantaalkooda ku habsaday Kulan ay Ciiddanka Sacuudiga ku lahaayeen Xeradda Milliteriga ee Dayr […]

- Advertisement -

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah maanta ku weerareen Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Casir ee K/Galbeed ee dalka Sacuudiga.

Afhayeenka Kooxda Xuutiyiinta, Yaxya Sarea oo la hadlay Tv-ga ayaa sheegay inuu Gantaalkooda ku habsaday Kulan ay Ciiddanka Sacuudiga ku lahaayeen Xeradda Milliteriga ee Dayr ee magaalladda Casir.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay duqeyntaasi jawaab-celin u ahayd Weerar ay Isbahaysiga Sacuudiga ka geysteen gudaha dalka Yemen.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadda Xuutiyiinta, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inay maanta duqeyn ka dhacday gudaha dalkaasi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories