HomeWararXildhibaan Cabdi Shire “Xukuumadda bedela inta aan la gelin Villa Somalia”

Xildhibaan Cabdi Shire “Xukuumadda bedela inta aan la gelin Villa Somalia”

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka soo ka dhacay Hoolka Shirarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xildhibaan Cabdi Shire ayaa waxaa qaraxaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga hadlay Tix Kooban uu ku Cabiray fikirkiisa,isla […]

- Advertisement -

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka soo ka dhacay Hoolka Shirarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa waxaa qaraxaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga hadlay Tix Kooban uu ku Cabiray fikirkiisa,isla markaana waxaa uu Eedeeymo kala duwan u jeediyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay xil gudasho la’aan,isagoona Tixda uu tiriyay ku soo jeediyay in la bedelo ay haboon tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inta aan la gelin Villa Soomaaliya.

Si kastaba Qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Banaadir ayaa waxaa lagu waayay dad badan oo qiimo ku dhex lahaa Bulshada Soomaaliyeed,waxaana ku dhaawacmay Mas’uuliyiin uu ku jiro Guddoomiyaha Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo xubno kale.

Hoos ka Akhriso Tixda uu tiriyay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

- Advertisement -

“Haddii gobolkii la galay

Gudoomiyeyaal ay go’een

Yariisow garaabo yahay

Xilkiinii aad gabteen

Hadana guul sheegataan

Gaf iyo waa meel ka dhece

Gadood shacab intuusan iman

Filada aan leydin ku galin

Garoowshiiyo muujiyoo

Golaha xukuumadda bedela

Xil gudasha la’aan darteed

Gaalshire waa in loo diraa

Kuwii amnigeena gabay ..”

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories