HomeCaalamkaMurashax Madaxweyne oo ka badbaaday Qarax

Murashax Madaxweyne oo ka badbaaday Qarax

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, 50-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin ka dhacday caasimadda dalka Afganistan ee Kabul. Is-qarxintaasi waxaa lala beegsaday Xafiiska mid ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Afganistan oo lagu magacaabo Amrullaah Salaax, kaasi oo uu soo gaaray dhawaac fudud. Hadal maanta ka soo baxay Dowladda Afganistan ayaa lagu sheegay inuu […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, 50-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin ka dhacday caasimadda dalka Afganistan ee Kabul.

Is-qarxintaasi waxaa lala beegsaday Xafiiska mid ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Afganistan oo lagu magacaabo Amrullaah Salaax, kaasi oo uu soo gaaray dhawaac fudud.

- Advertisement -

Hadal maanta ka soo baxay Dowladda Afganistan ayaa lagu sheegay inuu qaraxaasi ka badbaaday Amrullaah Salaax oo u tartamaya inuu Madaxweyne-ku-xigeen u noqdo Madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi ee Ashraf Qaani.

Weerarka Is-qarxinta oo ay israsaasayn la socotay aya waxay ka dhacday Xafiiska Murashaxa oo ka koobnaa 4 Dabaqa, iyadoo Ciiddanka Ammaanka iyo Maleeshiyadda weerarka geysatay uu dhex maray dagaal socday muddo 6 saacadood.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Nasrat Raxiimi waxa uu sheegay in la dilay 3 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, inkastoo ay dad badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkaasi.

- Advertisement -

In ka badan 150 qof oo rayid ah ayaa laga soo badbaadiyey dhismaha uu dagaalku ka dhacay.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo dhacay saacado kadib, markii ay Madaxweyne Ashraf Qaani iyo Murashaxiisa Madaxweyne-ku-xigeenka, Amrullaahi Salaax iyo Siyaasiyiin kale bilaabeen Ololahooda Doorashadda Madaxtinimadda oo  la filayo inay dhacdo bisha September 28-da ee sannadkan.

Ololaha doorashadda oo socon doona muddo 2 bilood ayaa waxaa aad looga walaacsan yahay dhanka Ammaanka, iyadoo ay Dagaalamayaasha Daalibaan iyo Daacish si firfircoon uga hawl-galaan guud ahaan dalka Afganistan.

Labadaasi kooxood waxay maalin kasta geystaan weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciiddamadda iyo Shaqalaaha Dowladda, Xarumaha Ciiddanka Caalamiga ee ka hawlgala dalkaasi iyo dadka rayidka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories