HomeCaalamkaMuhaajiriin lagu soo qariyey Gaari oo Gacanta lagu dhigay

Muhaajiriin lagu soo qariyey Gaari oo Gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Booliska dalka Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 79 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Xamuul. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu qabtay Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Saraakiil ka kala socotay Boliska dalalka Waqooyiga Mesedooniya iyo dalka Hangeri. Gaariga […]

- Advertisement -

Booliska dalka Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 79 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Xamuul.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Muhaajiriintaasi lagu qabtay Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Saraakiil ka kala socotay Boliska dalalka Waqooyiga Mesedooniya iyo dalka Hangeri.

- Advertisement -

Gaariga ay la socdeen Muhaajiriintaasi waxaa lagu joojiyey Degmadda lagu magacaabo Gegelija ee Koonfurta dalkaasi, kuna taalla meel ku dhow xuduudka ay labadaasi dal wadaagaan.

Dareewalkii Gaariga waxaa la sheegay in la xiray, halka Muhaajiriinta loo gudbiyey  Xarun dadka lagu hayo, ka hor inta aan dib loogu celinin dalka Giriigga oo ay ka soo tahriibeen.

Boliska dalka Waqooyiga Mesedooniya wax faahfaahin ah kama aysan bixinin dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta lagu qabtay xuduudka.

- Advertisement -

Muhaajiriintaasi waxaa lagu tuhunsan yahay inay markoodii hore ka soo tahriibeen dalka Turkiga, ka hor inta aysan tegin dalka Giriigga ee xuduudka la leh Turkiga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories