HomeWararHeshiis Is afgarad ah oo laga gaaray Kulamo u socday RW Kheyre...

Heshiis Is afgarad ah oo laga gaaray Kulamo u socday RW Kheyre iyo Ahlusunna

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulamo xasaasi ah oo Saacado badan qaatay,kuwaasi oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca. Kulamada u socday Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa looga hadlayay arrimo kala duwan oo qodobka ugu weyn uu ahaa […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulamo xasaasi ah oo Saacado badan qaatay,kuwaasi oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca.

Kulamada u socday Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa looga hadlayay arrimo kala duwan oo qodobka ugu weyn uu ahaa cida sugeysa amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo arrimo kale,waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinca ay wada gaareen heshiisyo is afgarad ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xukuumadda iyo Ahlusunna Waljameeca ay ku heshiiyeen in howlihii ka socday Magaalada Dhuusamareeb ay sidoodii usii socdaan,isla markaana deegaanada maamulka Galmudug aan laga soo dejin Ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay laga soo kala celiyay diyaarado Ciidamo gaar ah siday,kuwaasi oo la sheegay in dowladda Federaalka dooneysay in laga dejiyo halkaas,hayeeshee dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhawaan ku heshiiyay in amniga dowladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka dowladda,isla markaana  la qareemayay Ciidankii ka tirsanaa Ahlusunna,kuwaasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories