HomeWararSawirro:-Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo James Swan?

Sawirro:-Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo James Swan?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ka ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ambassador James Swan. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ka ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay qaramada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee dalka ka socda iyo arrimo kale.

- Advertisement -

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Somalilnad uga mahadnaqay sida diirran ee uu usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

“Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaaray, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

- Advertisement -

Kulanka Madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, iyo qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Soomaaliland.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories