HomeWarar(SAWIRO): Madaxweynaha Uganda oo tababar u soo xiray Ciiddamo ay ku jiraan...

(SAWIRO): Madaxweynaha Uganda oo tababar u soo xiray Ciiddamo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Kaguta Museveni waxa uu shalay Tababar u soo xiray 203 Askar ka tirsan Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF iyo 20 Askari oo ka socotay ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA,  kuwaasi oo muddo 52 isbuuc tababar ku qaatay Akadeemiyadda Milliteriga  Uganda ee Kabamba oo ku taalla Degmadda Mubende ee Bartamaha dalkaasi. Ciiddanka Isku-dhafka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Kaguta Museveni waxa uu shalay Tababar u soo xiray 203 Askar ka tirsan Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF iyo 20 Askari oo ka socotay ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA,  kuwaasi oo muddo 52 isbuuc tababar ku qaatay Akadeemiyadda Milliteriga  Uganda ee Kabamba oo ku taalla Degmadda Mubende ee Bartamaha dalkaasi.

Ciiddanka Isku-dhafka ee tababarka loo soo xiray  waxay qaateen Tababaro ku aadan Khibradaha Asaasiga ee Ciiddanka, Dagaal-gelinta iyo Khibradda Hawlgalladda Farsamo iyo xeeladaha guud ee Ciiddamadda.

- Advertisement -

Madaxweyne Museveni waxa uu Ciiddanka UPDF kula dardaarmay inay xubno ka yihiin Ciiddanka Xorreynta, isla markaana ay ka fogaadaan Dhaqanadda Qabyaalladda iyo Ciiddanka Gumeystaha, taasi oo uu xusay inaysan ahayn arrin waxtar u leh Danaha Ummadda.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay awoodeen inay lacag la’aan dhisaan Ciiddan Awood leh oo badbaadiyey Uganda, isla markaana kaalin ka qaata Hawlgalladda Nabadda ee Gobalka.

Madaxweyne Museveni waxa uu u sheegay Ciiddanka tababarka loo xirray inay diiradda saaraan shaqooyinkooda, iskana ilaaliyaan waxyaabaha qatarta sida Cuddur-sidaha HIV AIDS-ka, si ay ugu guuleystaan noloshooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ciiddanka Tababarka loogu soo xiray Akadeemiyadda Milliteriga Uganda waxaa qeyb ka ahaa 20 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia, kuwaasi oo uu Tababarkooda qeyb ka ahaa dadaalka lagu xoojinayo  Awoodda iyo Khibradda Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA, si ay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ugala wareegaan Amniga Guud ee Somalia.

Dowladaha Somalia iyo Uganda ayaana Heshiis ka gaaray Tababarka ay Ciiddankaasi ku soo qaateen Akadeemiyadda Milliteriga ku taalla Uganda.

Munaasbaadda Tababarka loogu soo xirayey Ciiddanka Uganda iyo kuwa Soomaalida waxaa goobjoog ka ahaa Wafdi ka socday DFS oo uu hoggaaminayey Taliye-xigeenka Ciiddanka dhulka, Sarreeye Guuto C/rashiid C/llaahi Shire, Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral Sam Kavuma, taliye-xigeenka Ciiddanka Cirka Uganda, Jeneral Gavas Mugyenyi iyo Saraakiil kale.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories