HomeWararHaweeney Soomaali oo ka mid noqotay 100-ka qof ee ugu saamaynta badan...

Haweeney Soomaali oo ka mid noqotay 100-ka qof ee ugu saamaynta badan dadka asalkooda Afrikaanka yahay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Guud ee QM ayaa ansixiyey Qaraar tirsigiisu yahay 68/237, kaasi oo la soo saaray bishii December 23-dii ee sannadkii 2013-kii, taasi oo lagu go’aamiyey 10-ka sanno ee Caalamiga ee dadka asalkooda Afrikaanka yahay (The International Decade for People of African Descent). Qaraarkaasi waxa uu asteeyey 10-ka sanno ee dadka asalkoodu yahay Afrikaanka ee ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Guud ee QM ayaa ansixiyey Qaraar tirsigiisu yahay 68/237, kaasi oo la soo saaray bishii December 23-dii ee sannadkii 2013-kii, taasi oo lagu go’aamiyey 10-ka sanno ee Caalamiga ee dadka asalkooda Afrikaanka yahay (The International Decade for People of African Descent).

Qaraarkaasi waxa uu asteeyey 10-ka sanno ee dadka asalkoodu yahay Afrikaanka ee ugu caansan Caalamka, iyadoo Billad Sharaf la siiyo sannad kasta.

- Advertisement -

Hiigsiga QM ee dhiirigelinta dadka asal ahaan Afrikaanka ah ee kaalimaha wacan ka qaata Is-dhegalka, Caddaaladda iyo Horumarinta.

Qorshaha Hiigsiga Abaalmarin sannadeedka ayaa waxa uu bilowday sannadkii 2015-ka wuxuuna socon doonaa ilaa sannadka 2024-ka.

Haddaba, waxaa la magacaabay 100ka qof ee asalkooda Afrikaanka yahay ee ugu awoodda badan, kuwaasi oo da’dooda ka hooseysa 40-jirka, kuwaasi oo Billadaha lagu guddoonsiin doono Xarunta dhexe ee QM ee magaalladda New York.

- Advertisement -

Haweeney Somali-Canadian lagu magacaabo Dahabo Ahmed Omar ayaana ka mid ah dadka sannadkan la guddoonsiin doono Billadda Hawl-karnimadda dadka asalkooda Afrikaanka yahay.

Dahabo Ahmed Omar waxay aad u jeceshahay inay ka fekerto caalamka, waxayna hawl badan ka qabatay La-dagaalanka Cunsuriyadda lagu hayo dadka Madow ee ku nool dalka Canada, waxayna  ka mid tahay La-asaasayaasha Isbahaysiga Caddaalad-u-doonka Marxum Abdirahman Abdi  (the Justice for Abdirahman Coalition) ,kaasi oo ay dacwadiisa ka socoto caasimadda dalkaasi ee Ottawa.

 

Dahabo Ahmed Omar waxay sheegtay inay Caalamka daawanayaan Kiiska dilka Marxuumkaasi oo u xiran Askar ka tirsan Boliska Canada, isla markaana waxay rajo ka bixisay guusha Caddaaladda ee Kiiska Marxuumka Abdirahman Abdi.

Mar wax laga weydiiyey sida ay u aragto in iyada loo aqoonsado mid ka mid ah 100-ka qof ee asalka Afrikaanka leh ee sannadkan la siin doono Billadda ku aadan Waxqabadkooda.

Waxay sheegtay inay la ashqaraartay dhacdadaasi iyo inuu Caalamka aqoonsaday Hawlaha Bulsho ee ay u ololeyso.

Waxay kaalin ka qaadatay Isbedelka lagu sameeyey Nidaamka Garsoorka iyo xoojinta sharciga ee dalka Canada, tan iyo geeridii Marxum Abdirahman Abdi ee ka dhacday magaalladda Ottawa sannadkii 2016-kii.

Dahabo Ahmed Omar waxay kaloo ka shaqeysaa Xiriirka dadka Kanadiyaanka Madow (Black Canadians) iyo Xarunta Soomaalida Ottawa ee Adeegga Qoysaska ee (Ottawa’s Somali Centre for Family Services).

Munaasbadda Abaalmarinta Billadaha QM ee 100-ka qof ee ugu firfircoon dadka asalkooda Afrikaanka ah waxaa la filayaa inay dabayaaqadda bisha September ama bilowga bisha October ee soo socota lagu qaban doono Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Munaasbaadda waxay ka barbar dhici doontaa Kulanka Golaha Guud ee QM, inkastoo aysan QM soo abaabuli doonin MunaasabadaasI.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts