HomeCaalamkaAas Qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii Tunisia iyo Madax ka qeyb gashay

Aas Qaran oo loo sameeyey Madaxweynihii Tunisia iyo Madax ka qeyb gashay

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Madax ka kala socota dalalka Carbeed iyo kuwa Europe ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Munaasabadda Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa’id  Esebsi oo 92-jir ahaa,  kaasi oo maanta lagu aasay caasimadda dalkaasi ee Tunis. Hoggaamiyayaaasha ka qeyb galay Aaska Marxuumkaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Faransiiska, Portuqiiska iyo  Falastiin, Booqrka dalka […]

- Advertisement -

Madax ka kala socota dalalka Carbeed iyo kuwa Europe ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Munaasabadda Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa’id  Esebsi oo 92-jir ahaa,  kaasi oo maanta lagu aasay caasimadda dalkaasi ee Tunis.

Hoggaamiyayaaasha ka qeyb galay Aaska Marxuumkaasi waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Faransiiska, Portuqiiska iyo  Falastiin, Booqrka dalka Spain,  Madaxa Golaha Dowlada Liibiya,  Wakiilo matalayey Madaxda dalalka Kuweyt, Murutaaniya, Sacuudiga, Imaaraadka, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo madax kale.

- Advertisement -

Saraakiil Milliteri ayaa xambaarsanaa Naxashka Maydkiisa oo lagu duubay Calanka dalka Tunisia ee Casaanka ah ee bisha iyo xiddigta bartanka kaga yaallaan.

Dhinaca kale, Dadweyne fara badan oo ay tiiraanyo ka muuqatay ayaa safnaa Waddooyinka muhiimka ee magaalladda Tunis, halkaasi oo la soo marsiiyey Gaadiidkii waday Maydkiisa iyo kuwii ay la socdeen Madaxda Caalamka iyo Madaxda dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee dalka Tunisia, Bayji Qaa’id Esibsi waxa uu ahaa Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee dalkaasi ee si Dimuqradai ah loo soo doortay sannadkii 2011-kii, wuxuuna muddo dheer ku soo jiray siyaasadda dalkaasi, isagoo soo qabtay xilal Qaran oo kala duwan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Barlamaanka Tunisia, Maxamed Naasir  ayaa waxa uu si Ku-meel-gaar ah sii hayn doonaa xilka Madaxweynaha, tan iyo inta ay Doorashadda Madaxtinimadda ka dhici doonto dalkaasi  bisha soo socota ee September 15-da.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories