HomeWararXisbiga Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Xisbiga Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu War kasoo saaray Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu si adeg u Cambaareeyay qaraxaas ka dhacay hoolka shirarka maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo ahaa mid Ismiidaamin […]

- Advertisement -

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu War kasoo saaray Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu si adeg u Cambaareeyay qaraxaas ka dhacay hoolka shirarka maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo ahaa mid Ismiidaamin ah oo fulisay qof Dumar ahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale Xisbiga  ayaa waxaa uu Alle uga baryay intii ku dhimatay qaraxaas inuu Janada ka waraabiyo,halka kuwii ku dhaawacmay Caafimad deg deg ah Alle uu siiyo.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka tacsiyaynayaa arrintii foosha xumayd ee galabta ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir. Iyadoo qarax lala beegsaday hoolka shirarka Dowladda Hoose. Qaraxaas inti ku dhimatay waxaan ilaah uga baryeynaa inuu Jannadiisa hoy uga dhigo, inti ku dhaawacantayna u booga dhayo.

Waxaan si adag u Canbaaraynaynaa falkaan iyo falalka kale oo maalmahaan kusoo badanaya Caasimadda Dalka iyo Magaalooyinka kale, waxaa looga hor tagi karaa arrimahaan, iyadoo hal meel looga soo wada jeesto  weerarada Al-shabaab ee dhibaatada ka soo gaarto Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xisbiga Sheekh Shariif.

- Advertisement -

Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyeyaal kale,waxaana ku dhintay 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime,waxaana qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories