HomeWararQaxooti Cusub oo Soomaali ah oo dib-u-dejin ka helay Kanada

Qaxooti Cusub oo Soomaali ah oo dib-u-dejin ka helay Kanada

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ilaa 30 Qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday Xerooyin ku yaalla dalalka Ethiopia iyo Uganda ayaa waxay Dib-u-dejin ka heleen dalka Kanada, gaar ahaan magaalladda Brooks ee K/Bari ee Gobalka Alberta ee dalkaasi.

Wargeyska Brooks Bulletin ayaa qoray inay Maamulka magaalladda Brooks albaabadda u fureen Qaxootiga, iyadoo bilihii June iyo July soo dhaweyn u sameeyey ilaa 30 Qaxooti Soomaali dib-u-dejin ka helay Kanada.

- Advertisement -

Dowladda haatan ka dhisan dalkaasi waxay taageereen inay dalkaasi yimaadaan Qaxootiga, kuwaasi oo badankooda ah Soomaali horey ugu noolaa Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla gudaha dalka Ethiopia iyo Uganda.

La-taliyaha dib-u-dejinta ee magaalladda Brooks, ahna Madaxa Adeega Socdaalka ee Gobalkaasi, Bezaye Beyene waxay sheegtay inay Dowladda Kanada sannadkii ugu horreeyey taageertay Qaxootiga, kuwaasi oo ay Dowladda keentay.

Waxay kaloo sheegtay in Qoysaska Qaxootiga ee la keenay ay muddo 10 ilaa 14 maalmood ku nagaan doonaan Hotel, ka hor inta aan la helin Dhismo la dejiyo.

- Advertisement -

Inta ay Qaxootigaasi ku jiraan Gotelka waxaa laga taageeri doonaa baahidooda Khaaska, gaar ahaan Cuntada iyo Dharka.

Qysaska Qaxootiga Soomaalida ee dib-u-dejinta ka helay magaalladda Brooks ee dalka Kanada waxaa kaloo la bari doonaa Dhaqanka, Deegaanka iyo iyadoo qoys kasta laga diiwaan gelinayo Dugsiyadda, gaar ahaan Carruurta, iyadoo dadka waa weyn la siinayo Barnaamijyadda Barashadda  Luqadda English si ay u noqoto Luqadooda Labaad.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka Kanada waxay qorsheynaysaa inay sannadkan dib-u-dejin u sameeyaan  ilaa 25,000 oo qof oo isugu jira Qaxooti iyo Shaqsiyaad ay dowladda Kanada siinayso Badbaadin (Protected persons).

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories