HomeWararQatar oo saxiixday Heshiis Shidaal looga baarayo xuduud-baddeedka Somalia oo ay Kenya...

Qatar oo saxiixday Heshiis Shidaal looga baarayo xuduud-baddeedka Somalia oo ay Kenya sheegato

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Shirkadda Shidaalka ee dalka Qatar ee Qatar Petroleum (QP) ayaa la sheegay inay qalinka ku duugtay Heshiis shidaal looga baarayo 3 Xirmo shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Kenya, kuna dhow xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso. Shirkadda Shidaalka Qatar ee QP waxay Heshiis saami-wadaag ah la gashay Shirkadda Shidaalka baarta ee dalka […]

- Advertisement -

Shirkadda Shidaalka ee dalka Qatar ee Qatar Petroleum (QP) ayaa la sheegay inay qalinka ku duugtay Heshiis shidaal looga baarayo 3 Xirmo shidaal oo ku yaalla meel ka baxsan Xeebaha Kenya, kuna dhow xuduud-baddeedka Somalia ee ay Kenya sheeganayso.

Shirkadda Shidaalka Qatar ee QP waxay Heshiis saami-wadaag ah la gashay Shirkadda Shidaalka baarta ee dalka Talyaaniga ee ENI iyo Shirkadda Shidaalka ee dalka Faransiiska ee Total, si ay shidaal uga baarayaan Xirmooyinka Shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaasi oo la sheegay inay ku yeellaan meel ka baxsan Xeebaha dalka Kenya

- Advertisement -

Shirkadda Batroolka Qatar ee QP waxay Heshiiska ay la gashay Shirkadda ENI iyo Total oo ay ku leedahay 25% ee danaha wadaagista, halka ay Shirkadda ENI ku yeelanayso 13.75%  iyo Shirkadda Total oo ku yeelanaysa 11.25%.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Tamarta ee dalka Qatar, Sacad Bin Sherida Al-kacbi, ahna Guddoomiyaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Batroolka Qatar, waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay saxiixaan Heshiiska ay qeybta kaga noqdeen Sahminta Shidaalka ee meelaha ka baxsan Xeebta Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay rajeynayaan in lagu guulaysto Sahmintaasi iyo inaan Shirkadaha Shidaalka ENI IYO TOTAL  iyo Dowladda Kenya yeelanayo wada-shaqeyn dheeraad ah iyo inay Dowladda Qatar xoojin doonto Joogitaankeeda Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Saddexda Xirmo shidaal ee Kenya ee (L11A, L11B and L12)  oo ay Shirkadda Shidaalka Qatar ku soo biirtay sahanka lagu samaynayo ayaa waxa uu yaalla Xuduudka badda ee Deegaanka Laamu ee Bariga Kenya, oo u dhow Xuduud-baddeedka Somalia ee ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Calaamiga ee ICJ.

Xuduud-baddeedka ay Shirakadaha Qatar, Talyaaniga iyo Faransiiska ka bilaabi doonaan sahminta ayaa la sheegay inuu guud ahaan ku fadhiyo masaafo dhan 15,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Si kastaba ha ahaatee, Khubarada Baddaha ayaa rumeysan in Heshiiska ay Shirkadda Qatar saamiga ku yeelatay uu  Xiisad siyaasadeed ka dhex abuuri karo Dowladaha Somalia iyo Qatar oo hataan Xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo, mana kala cadda inuu Heshiiska Qatar saamayn kale ku yeelan doono Geeddi-socodka Dacwadda  Xuduudka Badda ee ay Maxkamadda ICJ u fariisan doonto bilowga bisha September ee soo socota.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories