HomeCaalamkaDiyaarado dagaal oo Duqeyn ka geystay Syria

Diyaarado dagaal oo Duqeyn ka geystay Syria

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Warbaahinta dowladda Syria waxay saakayto sheegtay inay Israel duqeyn ka geysteen Buuraha Tal Al-Hara ee Gobalka Darac ee K/Galbeed dalkaasi. Telefishinka Dowladda Syria ayaa baahiyey inay duqeyntaasi geysteen burbur qalab oo keliya. Buurta Tal Al-hara  ayaa ah Deegaan Istaraatiji ah oo ku foorarta Dhulka Buuraha Golan Haytis ee ay Israel qabsatay sannadkii 1967-dii. Ciiddanka Dowladda Syria iyo […]

- Advertisement -

Warbaahinta dowladda Syria waxay saakayto sheegtay inay Israel duqeyn ka geysteen Buuraha Tal Al-Hara ee Gobalka Darac ee K/Galbeed dalkaasi.

Telefishinka Dowladda Syria ayaa baahiyey inay duqeyntaasi geysteen burbur qalab oo keliya.

- Advertisement -

Buurta Tal Al-hara  ayaa ah Deegaan Istaraatiji ah oo ku foorarta Dhulka Buuraha Golan Haytis ee ay Israel qabsatay sannadkii 1967-dii.

Ciiddanka Dowladda Syria iyo kuwa ka socda Iiraan ayaa waxay Bar Ciiddan ku leeyihiin Buurta Tal Al-hara oo ay sannadkii hore kala wareegeen Maleeshiyadda ka dagaalanta gudaha Syria.

Dhinaca kale, Ciiddanka Iiraan ee ku sugan gudaha Syria waxay ku xooggan yihiin Koonfurta dalkaasi iyo meel ku dhow Buuraha Golan oo u dhow Xuduudka Isreal.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, Ciiddanka Syria waxay hawada kaga hor tageen tiro Gantaalo ah oo ay Isreal la soo beegsatay Buurta Tal Al-hara.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories