HomeWararSawirro:-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka oo kulan uga socda Muqdisho

Sawirro:-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka oo kulan uga socda Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi 10aad ,kalfadhiga 5aad ku leh xarunta Aqalka Sare,iyadoo uu shir Guddoominaayo Guddomiyaha Aqalka Sare ee Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi. Ajendaha Kulanka  Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ). Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo […]

- Advertisement -

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi 10aad ,kalfadhiga 5aad ku leh xarunta Aqalka Sare,iyadoo uu shir Guddoominaayo Guddomiyaha Aqalka Sare ee Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Ajendaha Kulanka  Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

- Advertisement -

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle oo ah xubin Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ayaa akhriyay warbixin Qodabada Wax kabadalka Lagu sameeyay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories