HomeCaalamkaMareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga,Mevlut Kavusoglu waxa uu Khadka Telefoonka maanta kula hadlay dhigiisa dalka Maraykanka, Mayk Pompeop, iyagoo isla eegay qoddobo ay ka mid yihiin Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee ay Turkiga ka iibsadeen Raashiya, Barnaamijka Diyaaradaha F35, iyo Xaalladda dalka Syria.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay inay Labada Mas’uul isla eegeen xiriirka labada Waddan oo xubno ka ah Isbahaysiga NATO, balse, lama sheegay haddii horumar laga gaaray Khilaafka Siyaasadeed ee labada dal.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka ee dalka Iraq ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanihii dhawaan Diplomaasi Turkish ah ku dilay magaalladda Erbil ee Waqooyiga Iraq.

Eedeysanaha oo lagu magacaaboMazluum Dag waxaa lagu qabtay Waqooyiga Iraq, isagoo loo haysto dilkii Diplomaasiga Turkishka oo la oran jireyOsman Kose oo isbuucii hore lagu dhex dilay Baar ku yaalla bartamaha magaalladda Erbil ee caasimadda u ah Maamul-gobaleedka Kurdishka ee Waqooyiga Iraq.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories