HomeWararSomalia Iyo Sucuuudi oo Isla Oggolaaday In Xayiraadda Laga Qaado Markab Xoola...

Somalia Iyo Sucuuudi oo Isla Oggolaaday In Xayiraadda Laga Qaado Markab Xoola Siday Oo Lagu xannibay Dekadda Jidda

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.

Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana caawa markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories