HomeCaalamkaTobaneeyo Muhaajiriin oo ku geeriyootay shil maanta ka dhacay dalka Turkiga

Tobaneeyo Muhaajiriin oo ku geeriyootay shil maanta ka dhacay dalka Turkiga

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Gaari ay la socdeen Muhaajiriin ayaa la sheegay inuu saakayto ku qalibmay Bariga dalkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan tirada ku geeriyootay shilkaasi. Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency waxay  baahisay inay ugu yaraan 4 Muhaajiriin ku geeriyootay shilkaasi, balse, Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV waxa uu  […]

- Advertisement -

Gaari ay la socdeen Muhaajiriin ayaa la sheegay inuu saakayto ku qalibmay Bariga dalkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan tirada ku geeriyootay shilkaasi.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency waxay  baahisay inay ugu yaraan 4 Muhaajiriin ku geeriyootay shilkaasi, balse, Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV waxa uu  tirada dhimashadda ku sheegay 14 qof.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka uu shilku ka dhacay, Maxmed Emin Bilmez waxa uu tilmaamay inay 15 qof oo ay carruur badan ku jiraan  ku geeriyoodeen Shilkaasi oo ka dhacay Waddo weyn oo u dhow Degmadda Ozalp oo ku taalla xuduudka Turkiga la wadaago Iiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Dareewalka xakamayn kari waayey gaariga oo uu si xawli ah ku waday, taasi oo keentay inuu gaarigu ku dhaco Kanaal ku dhinac yaallay wadada.

Weli lama shaacinin dalalka ay u dhasheen Muhaaajiriinta ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaas ka dhacay Bariga Turkiga.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, 10 Muhaajiriin ah ayaa ku geeriyootay gaari ay la socdeen, kadib, markii uu ku dhacay dhismo ganacsi oo ku yaalla W/galbeed ee dalka Turkiga, kuna dhow xuduudka dalka Giriigga.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories