HomeCaalamkaTobanaan Muhaajiriin ah oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Turkiga

Tobanaan Muhaajiriin ah oo ku geeriyootay Shil ka dhacay Turkiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Gaari ay la socdeen Muhaajiriin ayaa la sheegay inuu saakayto ku qalibmay Bariga dalkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan tirada ku geeriyootay shilkaasi. Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency waxay  baahisay inay ugu yaraan 4 Muhaajiriin ku geeriyootay shilkaasi, balse, Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV waxa uu  […]

- Advertisement -

Gaari ay la socdeen Muhaajiriin ayaa la sheegay inuu saakayto ku qalibmay Bariga dalkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan tirada ku geeriyootay shilkaasi.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency waxay  baahisay inay ugu yaraan 4 Muhaajiriin ku geeriyootay shilkaasi, balse, Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV waxa uu  tirada dhimashadda ku sheegay 14 qof.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobalka uu shilku ka dhacay, Maxmed Emin Bilmez waxa uu tilmaamay inay 15 qof oo ay carruur badan ku jiraan inay ku geeriyoodeen Shilkaasi oo ka dhacay Waddo weyn oo u dhow Degmadda Ozalp oo ku taalla xuduudka Turkiga la wadaago Iiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu Dareewalka xakamayn kari waayey gaariga oo uu si xawli ah ku waday, taasi oo keentay inuu gaarigu ku dhaco Kanaal ku dhinac yaallay wadada.

Weli lama shaacinin dalalka ay u dhasheen Muhaaajiriinta geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaas ka dhacay Bariga Turkiga.

- Advertisement -

Bishii la soo dhaafay, 10 Muhaajiriin ah ayaa ku geeriyootay gaari ay la socdeen Tobaneeyo Muhaajiriin oo ku dhacay dhismo ganacsi oo ku yaalla W/galbeed ee dalka Turkiga, kuna dhow xuduudka dalka Giriigga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories