HomeCaalamka(SAWIRO): Ku-dhawaad labo kun oo Ciiddan u dhashay Uganda oo ku soo...

(SAWIRO): Ku-dhawaad labo kun oo Ciiddan u dhashay Uganda oo ku soo wajahan Somalia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciiddan tiradooda dhan tahay 1,828 Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa waxaa shalay Tababar loogu soo xiray Xarunta Taageeradda Nabadda ee Singo oo ku taalla Degmadda Nakaseke ee dalkaasi. Taliye-xigeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Wilson Mabasu Mabadi oo la hadlay Ciiddankaasi waxa uu kula dardaarmay inay si hufan u gutaan Waajibaadka shaqo ee ay […]

- Advertisement -

Ciiddan tiradooda dhan tahay 1,828 Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa waxaa shalay Tababar loogu soo xiray Xarunta Taageeradda Nabadda ee Singo oo ku taalla Degmadda Nakaseke ee dalkaasi.

Taliye-xigeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Wilson Mabasu Mabadi oo la hadlay Ciiddankaasi waxa uu kula dardaarmay inay si hufan u gutaan Waajibaadka shaqo ee ay ugu ambabaxayaan Somalia.

- Advertisement -

Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay kala yihiin kuwo ku biiraya Hawlgalka AMISOM iyo kuwo ka mid ah Ilaaladda Khaaska ee Mas’uuliyiinta QM iyo ilaalinta Xarumaha Hay’addaha QM ee ka hawlgala Somalia.

Saraakiil Milliteri oo u kala dhalatay Maraykanka, Britain iyo Holland  ayaa la sheegay inay tababareen Ciiddanka Uganda ee Calanka loo lulay , kuna soo wajahan Somalia.

Dhinaca kale, Taliye lagu magacaabo Kolonel Wilberforce ayaa hoggaaminaya Ciiddanka cusub ee Uganda ee qeybta ka noqonaya Hawlgalka AMISOM,  iyadoo Ciiddanka kale ee Kooxda Ilaaladda Hay’addaha QM ee loo soo dirayo Somalia uu hoggaaminayo Kolonel Nathan Bainomugisha.

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories