HomeCaalamkaIran oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Markab tahriibinayey Shidaalkooda

Iran oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen Markab tahriibinayey Shidaalkooda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Telefishinka Dowladda Iiraan waxa uu  maanta sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan gacanta ku dhigeen Markab shisheeye oo Booyadle ah, kaasi oo la sheegay inuu tahriibinayey Shidaal. Telefishinka Iiraan ma uusan sheegin dalka laga leeyahay Markabka ay qabteen ama dalalka ay u dhasheen Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi. Markabkaasi oo ay la socdaan 12 shaqaale shisheeye, […]

- Advertisement -

Telefishinka Dowladda Iiraan waxa uu  maanta sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan gacanta ku dhigeen Markab shisheeye oo Booyadle ah, kaasi oo la sheegay inuu tahriibinayey Shidaal.

Telefishinka Iiraan ma uusan sheegin dalka laga leeyahay Markabka ay qabteen ama dalalka ay u dhasheen Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi.

- Advertisement -

Markabkaasi oo ay la socdaan 12 shaqaale shisheeye, waxaa ku raran hal million oo litir oo shidaal ah.

Dadka Iiraaniyiinta ee wax tahriibiya ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Shidaalka uu waday Markabkaasi oo ku sii jeeday dal shisheeye oo aan la carabaabin.

Dhinaca kale, Markabka ay Iiraan qabteen ayaa u muuqday Markab laga leeyhay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo Axaddii la soo dhaafay la waayey halkii uu ku dambeeyey.

- Advertisement -

Markabkaasi oo lagu magacaabo MT Riyah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta waxaa Waaberigii hore ee maalintii Axadda lagu joojiyey meel ku dhowJesiiradda Qashiim ee Koonfurta dalka Iiraan, halkaasi oo saldhig u ah Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka oo bilowgii isbuucan la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin inay Iiraan gacanta ku dhigtay Markabkaasi oo dhamaan qalabkii Isgaarsiinta ee ku xirnaa la wada damiyey, xilli uu marayey gacanka Cadmeed.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories