HomeCaalamkaDowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda oo looga baaqay inay yeeshaan Xiriir wax dhisi...

Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda oo looga baaqay inay yeeshaan Xiriir wax dhisi kara

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka Taageeradda Somalia ee UNSOM, James Swan waxa uu ku baaqay in Xiriirka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda mid waxtar leh, isla markaana dhiirigelin u noqda Horumarka Somalia. James Swan ayaa soo saaray Qoraalkaasi, kadib, markii uu shalay magaalladda Jowhar uu […]

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka Taageeradda Somalia ee UNSOM, James Swan waxa uu ku baaqay in Xiriirka DFS iyo Maamul-gobaleedyadda mid waxtar leh, isla markaana dhiirigelin u noqda Horumarka Somalia.

James Swan ayaa soo saaray Qoraalkaasi, kadib, markii uu shalay magaalladda Jowhar uu kula kulmay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo xubnaha Maamulkiisa.

- Advertisement -

Ergayga QM ee Somalia waxa uu sheegay inay isku waafaqeen in loo baahan yahay in xiriirka wanaagsan ee Dowladda Federalka  iyo Maamul-gobaleedka uu muhiim u yahay xoojinta Dhismaha dowladnimo ee Somalia.

Ergayga waxa uu hoosta ka xariiqay inay Hay’addaha QM ka taageeri doonaan Hirshabelle horumarinta Awoodaha Hay’addaha, Taageeradda Hawlaha Samafalka, Fududeynta Dib-u-heshiisiinta Siyaasadeed iyo Dhexdhexaadinta, Dib-u-habaynta Qeybta Ammanka iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Socdaalka uu Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Somalia shalay ku tegay Maamulka Hirshabelle waxa uu haa kii 3-aad ee uu ku booqdo Maamul-gobaleedyadda, isagoo horey cagta u soo mariyey Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland.

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories