HomeCaalamkaUgu yaraan 12 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay dhismo ku...

Ugu yaraan 12 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay dhismo ku yaalla Japan

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyootay, ku-dhawaad 40 kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii uu saakayto dab ka kacay Dhismo Istuudiyo lagu sameeyo Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee (Cartoons) oo ku yaalla magaalladda Kyoto ee dalkaasi.

Boliska waxay sheegeen in Nin 41-jir ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey Dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban 3 Dabaq.

- Advertisement -

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu bilaabay dabka ka kacay Dhismahaasi  waxa uu ka mid noqday 40-kii qof ee ku dhaawacmay shilkaasi, kuwaasi oo ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen Isbitaalladda, si loogu soo daaweeyo.

Warbaahinta dalkaasi waxay Boliska ka soo xigteen in 10 qof oo mayd ah laga helay Dabaqa 2-aad ee Dhismaha, kuwaasi oo ku caburmay qiiqa dabka.

Abaarihii 10-kii iyo barkii subaxnimo ee saakayto Xilliga dalka Japan ayuuna dabku ka kacay Dhismo Istuudiyaha oo ay leedahay Shirkadda farsameeysa Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee Kyoto Animation Company.

- Advertisement -

Shirkadaasi waxay caan ku tahay inay soo saaraan Taxanaha Filimadda Kartooniska ee laga daawaday Telefishinadda dalkaasi.

Shirkadda Kyoto Animation oo loo yaqaanaa KyoAni, waxaa la asaasay sannadkii 1981-kii, waxayna soo saareen Filimadda Dhaqdhaqaaqa ee ay Jiilka da’da yar xiiseeyaan.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories