HomeCaalamkaBritain oo Markii 3-aad Markab Dagaal u diri doonta Gacanka Bershiya

Britain oo Markii 3-aad Markab Dagaal u diri doonta Gacanka Bershiya

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dowladda Britain waxay shaacisay inay soo diri doonto Markabkii 3-aad ee Dagaalka iyo Markab Booyadle ah oo ay Ciiddanka Badda leeyihiin, si ay u soo gaaraan Gacanka Beershiya oo ay xiisado kacsan ka jirto. Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay inaysan Maraakiibta la soo dirayo aysan wax xiriir ah la lahayn Xiisadda dalka Iiraan. Markabka […]

- Advertisement -

Dowladda Britain waxay shaacisay inay soo diri doonto Markabkii 3-aad ee Dagaalka iyo Markab Booyadle ah oo ay Ciiddanka Badda leeyihiin, si ay u soo gaaraan Gacanka Beershiya oo ay xiisado kacsan ka jirto.

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay inaysan Maraakiibta la soo dirayo aysan wax xiriir ah la lahayn Xiisadda dalka Iiraan.

- Advertisement -

Markabka Dagaalka ee ay Britain soo diri doonto oo ah nooca wax burburiya ayaa  lagu magacaabo HMS Duncan waxa uu hubin doonaa Ammaanka Maraakiibta Britain ee marinkooda yahay Gacanka Bershiya iyo Gacanka Carbeed.

Wasaaradda Difaaca ee UK waxay kaloo sheegtay in sannadkan gudihiisa ay Markabka Dagaalka ee HMS Kent loo soo diri doono Mandiqadda, si uu hawsha ugala wareego Markabka kale ee Britain ee HMS Duncan.

Sidoo kale, Markab kale oo nooca Caawiyaha ah, laguna magacaabo RFA Wave Knight ayaa la filayaa inuu bilowga bisha soo socoto u soo jiheysto Gacanka Bershiya ee ay horey u buux-dhaafiyeen Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka.

- Advertisement -

Wasaaradda Difaaca ee UK waxay tilmaamtay in qorshaha Dhaqdhaqaaqa Maraakiibtooda Dagaalka aysan wax calaamad ah u ahayn inay Britain xiisad ka dhalinayso Gobalka, balse uu dhaqdhaqaaqaasi yahay mid iska caadi ah.

Mar sii horreyay, Afhayeenka Ra’isul-wasaaradda Britain ee xilka ka sii degaysa, Theresa May ayaa sheegay in xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan dalalka Reer Galbeedka iyo dalka Iiraan inaysan dan u ahayn qofna.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay dowladda Iiraan ku hanjabtay inay Britain ka aar-goosan doonaan Markabkii shidaalka Iiraan ee ay bilowgii bishan July gacanta ku dhigeen Ciiddanka Britain.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories