HomeWararFaah faahin:-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo Qarax lala eegtay

Faah faahin:-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo Qarax lala eegtay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka la helayo ayaa sheegay in Kolonyada qarax Miino lagula eegtay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan xili ay ku socdaalayeen halkaas,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo […]

- Advertisement -

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka la helayo ayaa sheegay in Kolonyada qarax Miino lagula eegtay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan xili ay ku socdaalayeen halkaas,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Qaraxaas ayaa sigaar ah u haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya,kuwaasi oo isaga kala gooshayay laba saldhig oo ay ku leeyihiin  Gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab  ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas,iyagoo sheegay dhimasho iyo dhaawac ay ka soo saartay 20 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Inta badan Al-shabaab ayaa qaraxyo kala duwan la eegta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xiliyada ay socdaalka ku marayaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka,waxaana ka dhasha Khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories