HomeCaalamkaEedeysane lagu tuhunsan yahay dilkii Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo la qabtay

Eedeysane lagu tuhunsan yahay dilkii Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo la qabtay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Nin lagu tuhunsan yahay Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo lagu magacaabi jirey Suzanne Eaton, taasi oo isbuucii hore lagu dilay Jesiiradda Kerete ee dalka Giriigga. Eedeysanaha oo 27-jir ah ayaa ah Nin u dhashay Giriigga, kaasi oo ka soo jeeda Degmadda Kissamos oo 20-mayl u jirta […]

- Advertisement -

Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Nin lagu tuhunsan yahay Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo lagu magacaabi jirey Suzanne Eaton, taasi oo isbuucii hore lagu dilay Jesiiradda Kerete ee dalka Giriigga.

Eedeysanaha oo 27-jir ah ayaa ah Nin u dhashay Giriigga, kaasi oo ka soo jeeda Degmadda Kissamos oo 20-mayl u jirta Degmadda Janiya, halkaasi oo ay Saynis-yahanadda kaga qeyb galaysay Shirweyne.

- Advertisement -

 

Afhayeenka Boliska ee Jesiiradda Kerete oo la hadlay Telefishinka ABC News ee Maraykanka ayaa sheegay inay Eedeysanaha qabteen dhowr maalmood kadib, markii ay Boliska baaritaano ku sameeyeen Dheecaanka Hiddo-sidaha DNA-da oo laga qaaday Tobaneeyo qof oo ku nool goobta laga helay maydka Saynis-yahanadda.

Ilo-wareed Boliska ayaa sheegay inuu Eeedeysanaha qirtay inuu geystay dilkaasi, isagoo ku dhuftay gaarigiisa.

- Advertisement -

Caddaymo muuqda ayaa looga tegay halka lagu dilay Haweeneydaas oo ahaa dhismo ay Ciiddankii Naazigii Hitler ka dhiseen Jesiiradda Kerete ee dalka Giriigga sannadkii 1941-kii, si ay gabbaad uga dhigtaan weeraradda Diyaaradaha Dagaalka.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories