HomeCaalamkaBadmaaxiin Turkish oo lagu qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Nigeria

Badmaaxiin Turkish oo lagu qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Nigeria

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Toban Badmaaxiin Turkish ayaa waxaa Waaberigii hore ee saakayto laga qafaashay Burcad-baddeed Hubeysan oo ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha Nigeria.

Shirkadda leh Markabkaasi oo  lagu magacaabo Kadiyoglu Denizcilik ayaa sheegtay inay Markabkaasi la socdeen Badmaax, iyadoo 10 la qafaashay, halka ay 8 kalenay si nabad ah u dul saaran yihiin Markabka Xamuulka ee  laga afduubtay Badmaaxinta.

- Advertisement -

Markabka Turkishka oo watay Calanka Turkishka lagu magacaabo Paksoy 1, ayaa la sheegay in lagu weeraray Gacanka Badda dalka Gini, xilli uu ka soo shiraacday dalka Kaamiruun, kuna sii jeeday dalka Ivory Coast, iyadoo uusan wax shixnad xamuul saarnayn.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga ka taliya dalka Turkiga ee AK Party, Omar Celik waxa uu Suxufiyiinta ugu sheegay caasimadda dalkaasi inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Sirdoonka si dhow ula socdaan xaalladda Afduubka, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo Badmaaxiinta oo bad-qaba.

Faahfaahin kale lagama bixinin halka lala aaday Badmaaxiinta Turkish-ka, mana kala cadda ujeedada Burcad-baddeedaasi inuu ku salaysan yahay Madax-furasho iyo in kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories