HomeCaalamkaKiiska Cuddurka Ebola oo la xaqiijiyey in laga helay DR Congo

Kiiska Cuddurka Ebola oo la xaqiijiyey in laga helay DR Congo

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Kongada Dimuqraadiga ayaa xaqiijiyey in magaalladda Gooma noqotay magaalladda ugu weyn ee uu faraha ba’an ku hayo cuddurka dilaaga ee Ebola, kaasi oo bishii August ee sannadkii hore ka dilaacay Bariga dalkaasi. Nin Bukaan oo la il-daran cuddurkaasi ayaa la sheegay inuu aroornimadii shalay soo gaaray magaalladda Gooma, isagoo la socday […]

- Advertisement -

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Kongada Dimuqraadiga ayaa xaqiijiyey in magaalladda Gooma noqotay magaalladda ugu weyn ee uu faraha ba’an ku hayo cuddurka dilaaga ee Ebola, kaasi oo bishii August ee sannadkii hore ka dilaacay Bariga dalkaasi.

Nin Bukaan oo la il-daran cuddurkaasi ayaa la sheegay inuu aroornimadii shalay soo gaaray magaalladda Gooma, isagoo la socday Bas ka yimid Degmadda Butembo ee Gobalka Nord Kivu.

- Advertisement -

Bukaankaasi waxaa la sheegay inay la socday Bas ay saarnaayeen 18 qof oo rakaab ah iyo Dareewalkii Baska.

Arrintan ayaa waxay kordhisay walaaca laga qabo inuu cuddurkaasi si degdeg ah ugu faafo goobaha dadweynaha ee u dhow Xuduudka dalka Rwanda.

Cuddurka Ebolaha ka dillaacay Bariga Koongada Dimuqraadiga waxaa horey ugu geeriyootay 1,655 qof, halka 694 kalena laga daaweeyey cuddurkaasi, halka 160,000 o okalena laga tallaalay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories