HomeCaalamkaMaraykanka oo Carbis Milliteri oo ay ka qeyb gelayaan dalalka Gobalka iyo...

Maraykanka oo Carbis Milliteri oo ay ka qeyb gelayaan dalalka Gobalka iyo kuwo Reer Galbeed ku qaban doona Ethiopia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda ku leedahay magaalladda Addis Abeba ayaa lagu shaaciyey in Ciiddamo tiradoodu tahay Kun Askari oo ka kala socda ugu yaraan 15 Waddan ka qeyb geli doonaan Tababarkaasi Milliteri, kaasi oo socon doona bishan July 15-da ilaa 31-da. Tababarkaasi oo loogu talagalay in sare loogu qaado Khibradda Ciiddamadda Gobalka iyo […]

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda ku leedahay magaalladda Addis Abeba ayaa lagu shaaciyey in Ciiddamo tiradoodu tahay Kun Askari oo ka kala socda ugu yaraan 15 Waddan ka qeyb geli doonaan Tababarkaasi Milliteri, kaasi oo socon doona bishan July 15-da ilaa 31-da.

Tababarkaasi oo loogu talagalay in sare loogu qaado Khibradda Ciiddamadda Gobalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM iyo in lagu taageero Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM iyo Midowga Afrika.

- Advertisement -

Carbiskaasi oo loogu magac daray JA19 waxaa ka qeyb geli doona  Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi, Rwanda, Maraykanka, Faransiiska, Kanada, Britain, Brazil, Holland , Jarmalka iyo Ethiopia oo marti-gelinaysa Tababarkaasi.

- Advertisement -

Ergooyin ka kala socda Ururradda Caalamiga, sida Xafiisyadda QM, Midowga Afrika, Hay’adda Kaalmadda Maraykanka ee USAID, Machadka Nabadda Maraykanka iyo Hay’adda Bisha Cas iyo  Shaqaalaha iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ayaa iyagana ka qeyb geli doona Dhoolatuskaasi oo sannadkiiba mar la qabto.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay si toos ah u siinayaan Dowladda Ethiopia ku-dhawaad 6 million oo Dollar, sababo la xiriira Tababarkaasi Milliteri ee lagu qabanayo dalkooda, sida laga soo xigtay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba.

Waa markii 2-aad ee ay Ethiopia marti-geliso Tababaradda Milliiteri ee  sare loogu qaadayo Ciiddamadda Gobalka iyo Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee QM iyo Midowga Afrika ka wadaan Qaaradda Afrika, waxayna Ethiopia horey u marti-gelisay sannadkii 2017-ka, iyadoo Carbiskaasi sannadkii hore lagu qabtay dalka Uganda.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories