HomeCaalamkaNin Ethiopian oo isku soo dhex qariyey qeybta xamuulka ee Diyaarad oo...

Nin Ethiopian oo isku soo dhex qariyey qeybta xamuulka ee Diyaarad oo codsaday Magangelyo

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ninkaasi oo 27-jir ah ayaa waxa Waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Arlanda Airport oo ku yaalla caasimadda dalka Sweden ee Stocholm. Afhayeenka Boliska dalkaasi, Lars Bystrom oo la hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa sheegay in Ninka ay qabteen oo ah Muwaadin Ethiopian ah uu ku soo dhex […]

- Advertisement -

Ninkaasi oo 27-jir ah ayaa waxa Waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Arlanda Airport oo ku yaalla caasimadda dalka Sweden ee Stocholm.

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Lars Bystrom oo la hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa sheegay in Ninka ay qabteen oo ah Muwaadin Ethiopian ah uu ku soo dhex dhuuntay Diyaarad Xamuul oo ay leedahay Shirkadaha Diyaaradaha Ethiopia Airlines.

- Advertisement -

Johan Live oo ka tirsan Shirkadda Swedaviam o oka shaqeysa Garoonkaasi ayaa sheeegay in Ninkaasi laga dhex helay qeybta Xamuulka Boorsooyinka ee diyaaradda, wuxuuna Ninkaasi sheegay inuu Diyaaradda ku soo dhex dhuuntay, ka hor intaysan ka soo duulin Garoonka Diyaaradaha ee Bole ee magaalladda Addis Abeba.

Ninka Ethiopianka waxa uu muddo 8 saacadood ku dhex jiray qeybta xamuulka ee Diyaaradaasi oo isaga kala gooshaysay Caasimadaha dalalka Ethiopia iyo Sweden.

Boliska Sweden waxay bilaabeen baaritaanka dhacdadaasi, oo ay kaga shakisan yihiin Xeellad cusub oo Is-xambaar ah, wuxuuna Ninka Ethiopianka ee la qabtay uu codsaday magangelyo Qaxootinimo.

- Advertisement -

Ma aha markii ugu horreysay oo Muwaadin Ethiopian ah ku soo dhex dhuunto diyaarad Xamuul, iyadoo bishii August ee sannadkii hore ay dhacdo noocan ah uu ku soo badbaaday Nin Ethiopian oo iska dhiibay dalka Sweden.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories