HomeWararSawirro:-Gabar xiratay dharka Ragga oo lagu soo Bandhigay Gaalkacyo

Sawirro:-Gabar xiratay dharka Ragga oo lagu soo Bandhigay Gaalkacyo

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay gabar in muddo ah iska dhigeysay inay Nin tahay sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Mudug. Maxamed Nuur Cali oo ah Taliyaha Booliska G/Mudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigeen gabar in muddo ah […]

- Advertisement -

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay gabar in muddo ah iska dhigeysay inay Nin tahay sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Mudug.

Maxamed Nuur Cali oo ah Taliyaha Booliska G/Mudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigeen gabar in muddo ah iska dhigeysay inay Nin tahay,isla markaana Dumar badan ula shaqeyn jirtay qaab Nin ahaan ah.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliye Maxamed ayaa tilmaamay in gabadhaas oo lagu magacaabo Deeqo Cabdullaahi Aadan xiliga la soo qabanayay ay gacanta ku wadatay Bastoolad,iyadoo haatan ay baaritaano kala duwan ku hayaan laamaha amniga.

Intaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta loo soo bandhigay Deeqo Cabdullaahi Aadan,isla markaana waxaa ay Wariyeyaasha u sheegtay in muddo ah inay Dumarka ula shaqeyn jirtay qaab Nin ah,hayeeshee markii dambe lagu soo qabtay arrintaas.

Deeqo Cabdullaahi ayaa xustay in Bastoolado ay Ciidanka amniga kusoo qabteen ku sheegay inay ilaalin jirtay Dukaan ay laheyn,waxaana Sawirro laga soo qaaday gabadhaas ka muuqday,iyadoo xiran shaati iyo Macwiis,isla markaana Cimaamad iyo Tusbax.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories