HomeCaalamka12 qof oo ku geeriyootay weerar Is-qarxin ah oo ka dhacay Afganistan

12 qof oo ku geeriyootay weerar Is-qarxin ah oo ka dhacay Afganistan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay weerar loo adegsaday gaari miineysan maanta ku qaadeen Dhismo ay Sirdoonka dalkaasi ku leeyihiin caasimadda Gobalka Qasni ee Bartamaha dalkaasi. Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay 12 qof, halka in ka badan 95 kalena lagu dhawaacay, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda iyo Kooxda Daalibaan. Xasan Raza Yuusufi oo […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay weerar loo adegsaday gaari miineysan maanta ku qaadeen Dhismo ay Sirdoonka dalkaasi ku leeyihiin caasimadda Gobalka Qasni ee Bartamaha dalkaasi.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay 12 qof, halka in ka badan 95 kalena lagu dhawaacay, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda iyo Kooxda Daalibaan.

- Advertisement -

Xasan Raza Yuusufi oo xubin ka ha Gobalka Gobalkaasi ayaa sheegay in weerar Is-qarxin ah lala beegsaday Dhismaha Sirdoonka  ee ku yaalla caasimadda Gobalkaasi ee Qasni.

Sarkaal u hadlay Dowladda Afganistan ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay, laguna dhaawacay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalkaasi ee NDS.

Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaasi, kuna dileen Tobaneeyo ka tirsan Saraakiisha Sirdoonka dalkaasi, wuxuuna weerarkaasi dhacay, xilli ay Ergooyin ka kala socda Dowladda Afganistan iyo Kooxda Daalibaan Shirweyne uga socdo caasimadda dalka Qatar ee Doha, si loo soo af-jaro dagaalka 18-sanno jirsaday ee weli ka socda Afganistan.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories