HomeCaalamka(SAWIRO): Eedeysanayaal ay Soomaali ku jirtay oo Daroogo gelin lahaa Sacuudiga oo...

(SAWIRO): Eedeysanayaal ay Soomaali ku jirtay oo Daroogo gelin lahaa Sacuudiga oo la qabtay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciiddanka Ilaaladda Xudduudaha ee Goballadda Jazaan, Najraan iyo Casir ee K/Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal ka soo kala jeeda Somali, Ethiopian iyo Sacuudiyaan, kuwaasi oo si qarsoodi ah u doonayey inay Sacuudiga ku geliyaan Xashiish culayskiisu lagu sheegay in ka badan Hal Tan iyo Rubuc ama u dhigma 1,273 Kiilogaraam. Afhayeenka Ilaaladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Ilaaladda Xudduudaha ee Goballadda Jazaan, Najraan iyo Casir ee K/Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal ka soo kala jeeda Somali, Ethiopian iyo Sacuudiyaan, kuwaasi oo si qarsoodi ah u doonayey inay Sacuudiga ku geliyaan Xashiish culayskiisu lagu sheegay in ka badan Hal Tan iyo Rubuc ama u dhigma 1,273 Kiilogaraam.

Afhayeenka Ilaaladda Xuduudaha ee Sacuudiga, Kolonel Musfir Bin Qanaam Al-qurayni waxa uu u sheegay Warbaahinta inta lagu guda-jiray Bishii Shawaal ee sannadkan  1440-ka ee Tirsiga Hijriyadda inay  Ilaaladda Xuduudaha fashiliyeen qorshe lagu doonayey in noocyo ka mid ah Daroogadda lagu soo geliyo Xuduudka Koonfureed ee Boqortooyadda Sacuudiga la wadaagto dalka Yemen.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey Eedeysanayaasha lagu qabtay xaddiga ugu badan ee Daroogadda Xashiishka waxa uu sheegay inay tiradooda guud dhan tahay 52-qof, kuwaasi oo kala ahaa 28 Ethiopian, 15 Yemeniyiin, 7 Somali ah iyo 2 haysata dhalashadda Sacuudiga.

Shabakadda Wararka ee Caajil ee Sacuudiga waxay  soo bandhigtay Sawiradda Eedeysanayaasha iyo Daroogadii lagu qabtay, waxaana Eedeysanayaasha  loo gudbiyey Hay’adda Baaritaanka Sacuudiga, si baaritaanka kadib loogu gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista Eedeymaha Daroogada.

Waddanka Sacuudiga waxaa ka mamnuuc ah Draoogada, iyadoo Eedeysanayaasha lagu helo lagu fuliyo xukuno isugu jira Qoor-goyn ama Xabsi ugu yaraan tobanaan sanno.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts