HomeCaalamkaKuuba oo sheegtay inay nool yihiin Dhakhaatiirtii lagu afduubtay Kenya

Kuuba oo sheegtay inay nool yihiin Dhakhaatiirtii lagu afduubtay Kenya

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kuuba, Jose Portal waxa uu mar kale xaqiijiyey inaysan Dowladiisa joojinin dadaalka lagu sii dayn lahaa Labada Dhakhtar ee u dhashay dalkooda ee bishii April 12-dii laga qafaashay Degmadda Mandera ee W/bari ee Kenya.

Wasiirka oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkiisa ee Havana waxa uu tilmaamay inay nool yihiin Labada Dhakhtar  ee afduubka loo haysto, kuwaasi oo oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez.

Qoraal uu Wasiirka Cafaimaadka ee Kuuba, Jose Portal so odhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku xusay inay Maamulayaasha Kenya u xaqiijiyeen inay Labada Dhakhtar nool yihiin, isla markaana la qaaday dhamaan Tallaabooyinka suurtogalka ah oo iyagoo  bad-qaba dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

Shabakadda Wararka ee Cubadebate ayaa qortay inuu Wasiirka Cafaimaadka ee Kuuba sheegay inuu dadaalka qeyb ka ahaa Wada-hadalkii  Khadka Telefoonka ee uu Madaxweynaha Kuuba, Miguel Diaz-Canel kula yeeshay dhigiisa dalala Somalia iyo Kenya.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu beeniyey inaysan jirin cid ka codsatay wax shuruud ah oo lagu edelanayo xorriyadda La-haystayaasha, wuxuuna beeniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinta horey u shaaciyeen in Lacago madax-furasho laga bixinayo Dhakhaatiir Kuubaanka ee afduubka loo haysto.

- Advertisement -

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories