HomeWararNin ku hanjabay inuu qarxin doono Qunusulliyadda Masar ee magaalladda Doha oo...

Nin ku hanjabay inuu qarxin doono Qunusulliyadda Masar ee magaalladda Doha oo la qabtay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Boliska dalka Kuwait waxay gacanta ku dhigeen  nin 22-jir ah, kaasi oo ku hanjabay inuu qarxin doono Qunsulliyadda Masar ku leedahay caasimadda dalka Qatar ee Doha, isla markaana uu isagana is-dili doono. Wargeyska “Al-Rai” ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City waxa uu shalay qoray in Muwaadin Kuwayti ah  sameeyey hanjabaadaasi, kadib, markii […]

- Advertisement -

Boliska dalka Kuwait waxay gacanta ku dhigeen  nin 22-jir ah, kaasi oo ku hanjabay inuu qarxin doono Qunsulliyadda Masar ku leedahay caasimadda dalka Qatar ee Doha, isla markaana uu isagana is-dili doono.

Wargeyska “Al-Rai” ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City waxa uu shalay qoray in Muwaadin Kuwayti ah  sameeyey hanjabaadaasi, kadib, markii loo diiday inuu galo Dhismaha Diplomaasiyadda Masar ku leeyihiin caasimadda dalka Qatar.

- Advertisement -

Wargeyska ayaa qoray inuu Ninkaasi diiday inuu Ilaaladda Qunsulliyadda tusiyo Aqoonsigiisa, taasi oo sababtay inaan laga oggolaanin inuu gudaha u galo Qunsulliyadda, si uu uga soo dhamaysto Dukumentiyo Safarka ah.

Wargeyska ayaa qoray inuu la soo baxay Mindi, iskuan tijaabiyey inuu ku dooxo mid ka mid ah Ilaaladda Qunsulliyadda, wuxuu kaloo ku hanjabay inuu is-dili doono.

Markii uu shilkaasi dhacay, Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kuwait ee Arrimaha Borotokoolka ayaa la sheegay inuu la xiriiray Safiirka Masar u jooga dalka Qatar, kuna qanciyey inay Dowladda Kuwait qaadi doonto tallaabo kasta oo muhiim oo ku aadan dhacdadaasi.

- Advertisement -

Ammaanka hareerka Qunsuliyadda Masar ku leedahay caasimadda dalka Qatar ayaa la sheegay in la xoojiyey, si looga feejignaado dhacdooyin kale oo la filan karo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories