HomeWararFaah faahin:-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo qarax lala eegtay

Faah faahin:-Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo qarax lala eegtay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wararka aan ka heleybo Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay qarax miino ah oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale.

Sidoo kale mid kamid ahaa gaadiidka ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu haleelay qaraxa,waxaana intaasi xiday dagaal saacado qaatay oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamadaas.

Ugu yaraan 11 Askari oo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa,isla markaana waxaa ku dhaawacmay tirro kale oo Ciidan ah,kuwaasi oo loo qaaday dhanka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay wadada xiriirisa Awdiinlle iyo Bardaale ee Gobolka Baay,waxaana ay sheegteen inay halkaasi ku dileen 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Inta badan Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan oo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ku qaadaan Kolonyada ay la socdaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya xiliyada ay ku socdaalayaan Gobolada dalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories