HomeWararCiidanka amniga oo gacanta ku dhigay Nin lagu eedeeyay Dilkii Suleeqo Yuusuf

Ciidanka amniga oo gacanta ku dhigay Nin lagu eedeeyay Dilkii Suleeqo Yuusuf

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel ku yaalla Xaafada Baar  ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa dhawaan dil loogu geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed. Meydka Gabadha ayaa waxaa laga helay xili subax ah Albaabka hore ee hotelka Caamir,isla markaana ay gabadhaas aheyd  hooyo heesatay shan caruur ah,waxaana halkaas ka baxsaday ruuxii […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel ku yaalla Xaafada Baar  ee degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa dhawaan dil loogu geystay Marxuumad lagu magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed.

Meydka Gabadha ayaa waxaa laga helay xili subax ah Albaabka hore ee hotelka Caamir,isla markaana ay gabadhaas aheyd  hooyo heesatay shan caruur ah,waxaana halkaas ka baxsaday ruuxii ka dambeeyay falkaas.

- Advertisement -

Hayeeshee Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID-da ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Dilkii loo geystay Marxuumad Suleeqob sida uu sheegtay Taliska Booliska Soomaaliya.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidanka Boliiska ay gacanta kusoo dhigeen Eedeysane lagu magacaabo Bishar Abdirisaq Maxamed, kaasoo ku eedeeysan dilkaas.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Demibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumada Suleeqo Yusuf Axmed (hoos ku masuwaran)”ayay tiri Zakiya Xuseen.

- Advertisement -

Falkaas dilka ah ayaa dhowr cisho ka hor waxa uu ka dhacay Hotel Caamir oo ku yaal degmada Howl-wadaag Gobolka Banaadir.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories