HomeCaalamkaUK: Dad u geeriyooday cuddur lagu kala qaado Dhunkashadda, Hindhista iyo Taabashadda

UK: Dad u geeriyooday cuddur lagu kala qaado Dhunkashadda, Hindhista iyo Taabashadda

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

12 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurkaasi ugu geeriyoodeen Gobalka Essex oo W/barti kaga toosan caasimadda dalka Britain ee London.

Cuddurkaasi oo ah nooc Bakteeriya oo naadir ku ah Caalamka ayaa waxa u si baahsan uga dillaacay Gobalkaasi, sida ay maalmihii la soo dhaafay hadal hayeen Warbaahinta dalkaasi.

- Advertisement -

Waxaa la soo weriyey ilaa 32 Kiis oo ka mid ah Cuddurkaasi oo magacisia loo soo gaabiyo IGAS sida ay sheegeen Kooxda Guddiga ee Rug ay leedahay Hay’adda Caafimaadka dalkaasi ee NHS.

Bakteeriyadda dhalisa cuddurkaasi ayaa la sheegay in laga heli karo cunaha iyo maqaarka, isla markaana ay dadku qaadi karaan iyagoo aan ogeyn, maadaama uusan cuddurkaasi lahayn wax calaamado muuqda oo degdeg ah.

Bakteeriyadda waxay awoodi kartaa inay cunaha iyo gacmaha ku noolaadaan muddo dheer oo ku filan, si ay si fudud dadka ugu kala gudbaan Dhunkashada, Hindhista iyo Taabashadda.

- Advertisement -

Inkastoo cuddurkaasi lagu tilmaamay shil gudaha, balse, waxaa laga digay khatarta sare ee uu ku si faafi karo.

Waxaa la sheegay inuu cuddurkan markii ugu horreysay ka dillaacay magaalladda Braintree ee Gobalka Essex, ka hor inta uusan ku faafin magaallooyinka kale ee  Chelmsford iyo Maldon ee isla Gobalkaasi ee dalka Britain.

Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee England (PHE) waxay ka digeen inay jiri karo geeri kale oo dheeraad ah, iyadoo uu cuddurkaasi si xawli ah u faafayo.

Dadka ugu badan ee uu ku dhacay Cuddurkaasi ayaa la sheegay inay yihiin dadka da’da iyo kuwa ka shaqeeya Xarumaha lagu xannaaneeyo dadka Hawlgabka ama da’da noqda.

Dr. Jorg Hoffman oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Ammaanka Caafimaadka  ee Xarunta PHE East ee England waxa uu sheegay inay xaalladu aad iyo aad khatar u tahay, isla markaana ays nasiib-darro tahay inaysan weli awoodin inay si buuxda u xakameeyaan xaalladda faafista cuddurkaasi.

Dhakhaatiirta Gobalka uu ka dillaacay cuddurkaasi waxay sheegeen in dadka ay acelcelis ahaan da’dooda tahay 87-jir ay waxyeelladdu ka soo gaartay cuddurkaasi lagu kala qaado Dhunkashada, Taabashadda iyo Hindhista.

 

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories