HomeWararSawirro:-Halkee ayuu marayaa Diyaargaroowga xuska Maalamaha xoriyadda?

Sawirro:-Halkee ayuu marayaa Diyaargaroowga xuska Maalamaha xoriyadda?

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddiga qaban-qaabada munaasabadaha xuska Maalmaha xorriyadda Dalkeenna ayaa Xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha loo diyaariyay in lagu qabto munaasabadaha. Guddiga ayaa sidoo kale socod Indha-Indheyn ah ku maray qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo kormeeray goobo fara badan oo aad loo qurxiyay kana muuqdaan Calanka Soomaaliya iyo Boorar ay […]

- Advertisement -

Guddiga qaban-qaabada munaasabadaha xuska Maalmaha xorriyadda Dalkeenna ayaa Xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha loo diyaariyay in lagu qabto munaasabadaha.

Guddiga ayaa sidoo kale socod Indha-Indheyn ah ku maray qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo kormeeray goobo fara badan oo aad loo qurxiyay kana muuqdaan Calanka Soomaaliya iyo Boorar ay ku xardhan halku dhigyo ka tarjumaya xorriyadda.

- Advertisement -

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada munaasabadaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Taliyaha Asluubta,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku xigeenkiisa arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Basma Caamir Shakeeti, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, ahna Guddomiyaha Guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha xorriyadda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay Dhiseen Waddooyin qaarkood ay Laamiyo yihiin, in ay Calameeyeeyeen hareeraha Jidadka iyo nadaafad guud oo ay ugu tala galeen in xuska Sanadkan uu ku dhaco jawi wanaagsan.

Waxaa sidoo kale dib u habayn lagu sameeyay Taallooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ee loo dhisay Muwaaddiniintii naftooda u huray xorrimada , iyadoo halkaasna lagu beeray Nalal, Ubaxyo qurux badan iyo Sawirrada Madaxweynaha, si Shacabka Soomaaliyeed ay wada jir ugu debaaldegaan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories