HomeWararDhakhtar Soomaali oo lagu jir-dilay Kuwayt

Dhakhtar Soomaali oo lagu jir-dilay Kuwayt

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wargeyska Maalinlaha ee Al-Ra’i ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City ayaa qoray inuu Muwaadin u dhashay dalkaasi jir-dil u geystay Dhakhtar Soomali ah iyo mid u dhashay dalka Masar. Labada Dhakhtar ayaa la sheegay in lagu dhex garaacay Rug Caafimaad oo ay ka hawl-galaan oo ku taalla faras-magaallaha caasimadda dalkaasi ee […]

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee Al-Ra’i ee ka soo baxa caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City ayaa qoray inuu Muwaadin u dhashay dalkaasi jir-dil u geystay Dhakhtar Soomali ah iyo mid u dhashay dalka Masar.

Labada Dhakhtar ayaa la sheegay in lagu dhex garaacay Rug Caafimaad oo ay ka hawl-galaan oo ku taalla faras-magaallaha caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

- Advertisement -

Labada Dhakhtar waxay Gal-dacwadeed ka buuxiyeen Saldhigga Boliska, iyagoo dacweeyey Muwaadinka u dhashay dalka Kuwayt ee iyaga jir-dilay.

Wargeyska Al-Ra’I waxa uu qoray inuu muran dhex maray Muwaadinka Kuwayt iyo Dhakhtarka Masaarida, kadibna uu Dhakhtarka Soomaaliga soo kala dhex galay, si uu u dejiyo Xiisadda, balse Ninkii Kuwayti-ga oo xanaaqay waxa uu feer la dhacay Labada Dhakhtar.

Wargeyska qoray dhacdadan ma uusan caddaynin inta uu la eg yahay dhaawaca soo gaaray Labada Dhakhtar iyo haddii la xiray Eedeysanihii falkaasi geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories