HomeWararXildhibaanada Hirshabelle oo ku kala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Hirshabelle oo ku kala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoonka Baarlamaanka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Xubnaha barlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kukala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas oo lagu fasaxay kulamada baarlamanka. Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Sheikh Cusmaan Bare Mxamed ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu qoraal u diray xildhibaanada isaga oo ku wargeliyay in ay xiranyihiin kulamada baarlamaanka taas oo kala qeybisay xildhibaanada. Dhinaca kalana […]

- Advertisement -

Xubnaha barlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kukala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas oo lagu fasaxay kulamada baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Sheikh Cusmaan Bare Mxamed ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu qoraal u diray xildhibaanada isaga oo ku wargeliyay in ay xiranyihiin kulamada baarlamaanka taas oo kala qeybisay xildhibaanada.

- Advertisement -

Dhinaca kalana gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Hirshabelle oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Jowhar ayaa ka soo hor jeesatay go’aanka gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uusan xaq u lahayn in uu xiro kulamada baarlamaanka isaga oo ku maqan meel kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro abaabulka Mooshin looga soo hor jeedo gudoomiye Sheikh Cusmaan Bare oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha ku jira baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Sheikh Cusmaan Bare Mxamed ayaa dhankiisa kulamo waxa uu ka wadaa magaalada Muqdisho oo uu ku suganyahay taas oo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay go’aankii uu horay ugu dhawaaqay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories