HomeWararGuddoomiye Mursal oo la kulmay Guddiga xaqiiq raadinta ee xasuuqii Gaalkacyo

Guddoomiye Mursal oo la kulmay Guddiga xaqiiq raadinta ee xasuuqii Gaalkacyo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddi xaqiiq raadin oo baaritaano ku soo sameeyn doona dhibaatadii ka dhacdey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga uu la kulmay Guddoomiye Mursal ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen,isla […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddi xaqiiq raadin oo baaritaano ku soo sameeyn doona dhibaatadii ka dhacdey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga uu la kulmay Guddoomiye Mursal ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen,isla markaana waxaa ay baaritaano ku soo sameeyn doonaan dilka 4 Ruux oo  shacabka ahaa loogu geystay Duleedka Dhuusamareeb,kuwaasi oo ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa ay soo baari doonaan xasuuqii Gaalkacyo loogu geystay 9 Ruux oo ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa waxaa horkacaayay Wasiirka Wasaaradda cadaaladda,isla markaana waxaa kamid ah xildhibaano,salaadiin iyo malaaqyo oo ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories