HomeWararWaddooyin ay Go’doomiyeen Al-shabaab oo Dib loo furayo

Waddooyin ay Go’doomiyeen Al-shabaab oo Dib loo furayo

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku kala bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka ku xeeran.

Guddoomiye Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka,Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Mudane; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciidamada,

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga saaryo Al-Shabaab.

“Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, mudane, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee Gobolka ragaadisay.

Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beelaha halkaasi wada dega.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay nabad diidku go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi heerkan oo kale ah uu kormeen shaqo ku tago degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in ay safarrdooda sii wadi doonaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories