HomeCaalamkaQM oo ka digtay inay Laysimada Shidaalka ee DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda...

QM oo ka digtay inay Laysimada Shidaalka ee DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda bixiyaan horseedi karto colaad

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Guddiga QM ee kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia waxay  Warbixin qarsoodi ah ku sheegeen inay sahminta Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia laga yaabo inay horseedaan Colaado.

Warbixintii Guddiga Kormeerka QM ee Sannadlaha ee ugu dambaysay waxaa lagu muujiyey inay jiraan sahmin laga wado deegaano lagu murunsan yahay oo ka tirsan dalka Somalia, iyadoo Laysimada ay Maamulayaasha bixiyaan ay colaad ka abuuri karto dalka Somalia, waa sida uu Wargeysku soo xigtay.

- Advertisement -

Warbixinta Baarayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia u u gudbiyeen Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea, waxay Khubarada ku sheegeen in Dastuurka sOmalia uu awood u siinayo  Dowlad-gobaleedyadda siinayo qeyb weyn oo ay Heshiis Ganacsi Shidaal ku geli karaan, balse, Sharciga shidaalka ee ay Barlamaanka Federalka oggolaadeen uu dhigayo inay Dowladda Dhexe awood u leedahay qeybinta Kheyraadka Dabiiciga.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aragtay Waebixinta sannadlaha ayaa sheegtay in Khubarada Guddiga QM  ee Kormeerka cunaqataynta hubka saaran Somalia ka digeen haddii aan la xalinin khilaafkaasi inay taasi horseedi karto Colaad siyaasadeed oo dhex marta DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda,taasina ay khatar ugu jirto inay sii xumayso Kala-qeybsanaanta Qabiilka iyo inay cabsi geliso Ammaanka iyo Nabadda, waa sida laga soo xigta warbixintaas.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Dowladii Keligii Taliyihii Somalia sannadkii 1991-kii, Somalia waxay madaxa la gashay colaado socday 20-sanno.

- Advertisement -

Tobaneeyo Shirkado Shidaal oo ay ku jiraan kuwo Caalami oo waa weyn ayaa la siiyey Fasaxa sahminta Shidaalka iyo Gaaska ka hor sannadkii 1991-kii, laakiinse, tan iyo xilligaas, Maamulladda Puntland iyo Somaliland waxay Laysamo u khaas ah ka bixiyeen isla Xirmooyin isku mid ah.

Kiisaska qaarkooda, Somaliland iyo Puntland waxay  laysimo ka bixiyeen Xirmooyin isku dhafan oo aan kala qeybsanayn.

 

Khubarada waxay sheegeen in hal kiis ay ku lug leeyihiin Shirkadda Shidaalka dalka Norway ee DNO OIL iyo Shirkadda ka diiwaan gashan dalka Kanada ee Africa Oil Corportaion ee AOI.V

 

Warbixinta Khubarada QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubak ee saaran Somalia waxay kaloo ku xuseen in Hawlgalladda Sahminta ee Xirmooyinkaasi ee ay Shirkadaha Shidaalka ee DNO iyo Africa Oil ku lug leeeyihiin waxaa ammaankooda suga Ciiddamada Ammaanka  ee Goballadda oo Isbahaysi la ah Maleeshioyo ama Ciiddam Khaas ah, taasina laga yaabo inay colaad cusub ka dhex abuuro Puntland iyo Somaliland.

 

Bajorn Dale oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Shirkadda DNO, ahna Agaasimaha Mamaulka iyo La-taliyaha Guud waxa uu sheegay inuusan la qabin Khubarada Warbixintoosa, balse aysan Shirkadda marnaba qaadi doonin Dhaqdhaqaaq khatarta ku ah Ammaanka Somaliland.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories